
Qaylo
Markii aan
Markii aan
Markii aan ku qaayibee
Qasiido sideedii
Inanyahay ku qaybeen
Wadnahay kugu qoray
Markaan qiimo badaniyo
Sharaf kugu qadariyaad
Is qaloo'inaysaa
Markii aan
Markii aan
Markii aan ku qaayibee
Qasiido sideedii
Inanyahay ku qaybeen
Wadnahay kugu qoray
Markaan qiimo badaniyo
Sharaf kugu qadariyaad
Is qaloo'inaysaa
Nabsigaa ku qabanoo
Ku qaniini doonoo
Qalbigaaga jabinoo
Kaa joojin quudkee
Qayladaada ila dhaaf
Nabsigaa ku qabanoo
Ku qaniini doonoo
Qalbigaaga jabinoo
Kaa joojin quudkee
Qayladaada ila dhaaf
Wah'a aad
Wah'a aad
Wah'aad tahay qiyaastii
Qolof madhan sidiisii
Ayaad tahay qiyaastii
Wakhti kaa qasaaray
Qodaxdii maraagaad
Ka qanjiidho kulushoon
Iska qoomameeysaa
Wah'a aad
Wah'a aad
Wah'aad tahay qiyaastii
Qolof madhan sidiisii
Ayaad tahay qiyaastii
Wakhti kaa qasaaray
Qodaxdii maraagaad
Ka qanjiidho kulushoon
Iska qoomameeysaa
Nabsigaa ku qabanoo
Ku qaniini doonoo
Qalbigaaga jabinoo
Kaa joojin quudkee
Qayladaada ila dhaaf
Nabsigaa ku qabanoo
Ku qaniini doonoo
Qalbigaaga jabinoo
Kaa joojin quudkee
Qayladaada ila dhaaf